Ra'iisal-wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson iyo Maamulaha Dahabshiil oo kulmay

0
Tuesday December 29, 2020 - 01:15:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal-wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson iyo Maamulaha Dahabshiil oo kulmay

    "...Boris Johnson, (Ra'iisal-wasaaraha Ingiriiska) waa Nin Soomaalida aqoon badan u leh, maadaama kolkii Wasiirrka Khaarajiga uu ahaa meelihii uu boqday Muqdisho, qoyskiisa dad badan oo kamid ahina ay booqdeen Hargeysa iyo Berbera…&q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"...Boris Johnson, (Ra'iisal-wasaaraha Ingiriiska) waa Nin Soomaalida aqoon badan u leh, maadaama kolkii Wasiirrka Khaarajiga uu ahaa meelihii uu boqday Muqdisho, qoyskiisa dad badan oo kamid ahina ay booqdeen Hargeysa iyo Berbera…" Maamulaha Shirkada Dahabshiil Md. Cabdirashiid

London(Xogreeb)-Maamulaha shirkada Dahabshiil Md Cabdirashiid Maxamed Siciid oo kulan la qaatay Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, ayaa si qoto dheer uga warbixiyey qaabka ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub, iyo sidoo kale sharciyada cusub ee arimahaa la xidhiidh u saamayn doonaan guud ahaan shirkada ganacsi ee xidhiidhka la leh wadamada Afrika, gaar ahaa shirkada Dahabshiil, hawlahaasoo sida la filayo badigoodu dhaqan geli doona horaanta sanadka fooda nagu soo haya ee 2021-ka.  

"...Boris Johnson, (Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska) waxa uu yahay Nin Soomaalida aqoon badan u leh, maadaama kolkii Wasiirrka Khaarajiga uu ahaa meelihii uu boqday ay ka mid ahayd Muqdisho, Kiiniya iyo Itoobiya, qoyskiisa dad badan oo kamid ahina ay booqdeen Hargeysa iyo Berbera, waxa uu ahaa Nin Soomaalida aad u xiiseeya, Wadamada Afrikana aqoon badan u leh..”. Sidaa waxa yidhi Maamulaha Shirkada Dhahabshiil Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo u waramayey Idaacada BBC-da la’aanteeda Afka Soomaaliga, isaga oo ku sugan magaalada London ee cariga Ingiriiska. 



Md. Cabdirashiid Dahabshiil oo kulan uu la yeshay Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska sharaxayey qodobadadii Ra’iisal-wasaaraha ay ka wada hadleen iyo saadaasha nooca uu noqon doono shirkadaha faadhiisinkoodu yahay wadanka Ingiriiska, balse ganacsigoodu ku xidhan yahay wadamada kalee Yurub, maadaama sida la wada ogsoon yahay Ingiriisku ka baxay ka mid ahaanshihii wadamada EU-da ama Midowga Yurub, isagoo arimahaa ka hadlaya, waxa uu yidhi: "..Shirkado badan oo xaruntoodu ahayd London waxa ay ku kelifaysaa inay u guuraan wadamada Yurub, ganacstada qaar cashuur ama warqado dheeraad ah ayaa ku soo kordhaya…”.  


Sidoo kale Md. Cabdirashiid Dahabshiil oo ka jawaabayey saamaynta Dahabshiil ahaan ama shirkadaha kale ee ganacsigoodu u badan yahay Afrika uu ku yeelan karo ka bixitaanka Ingiriiska ee Yurub, waxa uu sharaxaad ka bixiyey qaabka isbedelka ama ka bixitaanka Ingiriika ee Yurub u saamayn doono guud ahaan shirkadaha ganacsigoodu ku xidhan yaay Afrika, iyo sidoo kale saamaynta togan ee arintaasi ku yeelan karto Soomaalida, waxa hadaladiisii kamid ahaa, sidan: "...Isbedelka dhacay xaqiiqdii cid walba wuu saamaynayaa, Dahabshiil ahaan wadamao badan oo Yurub ah waanu ka shaqynaa, UK-na waanu ka shaqaynaa Boqol, dhawr iyo labaatan wadan ayuu Dahabshiil ka shaqeeyaa oo caalamka ku yaal, meelaha qaar isbedel weyni ma dhici doono, haes-yeeshee meelaha qaar isbedel wuu ku dhacayaa, maxaa yeelay waa in sharciyadaa isbedel lagala qayb-qaataa..”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured