Dekeda Berbera oo Isu Diyaarinaysa Inay Noqoto Dubai Geeska Afrika, Hoggaaminta Madaxweyne Muuse iyo Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo ay Mahadisay. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.

0
Monday December 14, 2020 - 01:06:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dekeda Berbera oo Isu Diyaarinaysa Inay Noqoto Dubai Geeska Afrika, Hoggaaminta Madaxweyne Muuse iyo Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo ay Mahadisay. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.

    Dekeda Berbera oo Isu Diyaarinaysa Inay Noqoto Dubai Geeska Afrika, Hoggaaminta Madaxweyne Muuse iyo Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo ay Mahadisay. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dekeda Berbera oo Isu Diyaarinaysa Inay Noqoto Dubai Geeska Afrika, Hoggaaminta Madaxweyne Muuse iyo Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo ay Mahadisay. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.
Firfircoonida iyo hal-abuurnimada ku dhisan masuuliyada loo hagar-baxaa waxay dhashaa in la horumariyo goob kasta oo dib u dhacsanayd. Dekeda Berbera waxay sadexdii sanno ee u dambeeyey ku Talaabsatay Horumar aan la qiyaasi Karin, Isla markaana waxay saamayn xoogan ku yeelatay horumarkeedu in indhaha dunida iyo dalalka Geeska Africa ay soo jiidato.
Dekeda Caalamiga ah ee Berbera, waxay ku taala Marin istaatijiya oo dhaca koonfurta Gacanka Cadmeed ee Biyaha Badda Cas. Waxay u dhow-dahay ama ku taala Marin-biyoodka Baabul-mandab oo ah midka ugu mashquulsan ee ay maraan Saxiimadaha rarka u kala sida Bariga dhexe, Africa, Asia, iyo Yurub iyo weliba Dekedaha Salaalah, Cuman iyo Dubai.
Haddaba Ujeedada qormadan kooban ayaa ah inaynu ku iftiimino isbedelada la mahadin doono ee ay Dekeda Berbera samaynayso sannooyinkii u dambeeyey. Dekeda Berbera waxay isu diyaarinaysaa inay noqoto midda ugu mashquulka badan Dekedahaha Geeska Afrika mustaqbal dhow, waxayna sadexdii sanaadood ee u dambeeyey qaadaysaysay tallaabooyin Horumarineed oo dhinacyo kala duwan ah, waxay u muuqata saadaasha mustaqbal wanaagsan ee Dekeda Berbera inay noqon doonto Dubai Geeska Afrika. 
Bal aynu soo qaadano dhacdooyinka iyo dhinacyada ay ka horumartay iyo weliba cidda ku suntan waxqabadka iyo dedaalada soo jiitay indhaha Caalamka iyo Gaadiidka mara Marin-biyoodka Baabul-mandab. 
Dekeda Berbera waxa maalinba maalinta ka dambaysa kusoo badanaya soo xidhashada Maraakiibta waaweyn ee aan weligood hore loogu sooo xidhin, iyadoo weli la dhamaystiran qaybta cusub ee Dekeda Berbera, Isla markaana ay maalgelinayso Shirkada Dp World. Fursadaha ay hada heleen Maraakiibta waaweyn ee kusoo biiray Isticmaalka Dekeda Berbera, waxa weeye Dekeda Berbera ee hore oo heshay adeegyadii dekeddii lahayd, iyo Qalabayn casriya, iyo weli aqoonta Shaqaalaha Bada ee Dekeda Berbera oo si weyn loo tayeyey.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu abuuray Xirfad-yahano ku xeel-dheer shaqada loo qabanayo Maraakiibta waaweyn iyo Gaadiid Gaadiid kasta oo bada mara.
Sidoo kale, waxan daawaday Markabkii ugu weynaa ee abid kusoo xidha Dekeda Berbera. Waxaas oo dhami, waxay qayb ka yihiin horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera, waan boggaadinaya Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo u hagarbaxay horumarinta Dekeddaha Somaliland iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ku garabgalay Maareeyaha.


Hadii aynu dib ugu noqono waxqabadka salka Balaadhan ee Dekeda Berbera ku Talaabsatay waxa kaloo kamid ah, sadexdii sanadood ee u dambeeyey ay ku taalaabsatay dekeda Berbera oo maanta noqotay Mid Caalamiya, isla markaana ka gudubtay localnimadii.
Tan iyo intii uu Maareeyaha ka ahaa Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, isla markaana qaybta raarista iyo dejintana ay xukumaysay Shirkada Caalamiga ah ee Dp World, waxa ay Dekeda Berbera u horumartay si aan la qiyaasi karin, iyadoo gaadhay meel sare. Waxqabadka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa kamid ahaa inuu Sadex sanaadood gudahood ku keeno laba Taag oo Casriya, kuwasoo 30 sanaadood aanay yeelan dekedu maanta ka horow. 
Sidoo kale waxa kamid ah, dhisme Sadex dabaq ah oo ka kooban 24 Xafiis iyo laba Hool oo lagu talo galay Shirarka inuu u dhisay Dekeda Berbera. Iyadoo Maamulka dekedu hada uu ku shaqeeyo, xafiisyadaas oo u qalabaysan nidaam dawladnimo oo dhamaystiran ka muuqdo. Waxana markaad gudaha Dekeda Berbera gasho indhahaagu qabanayaan sarta dheer ee midabka Dahabka ah ee loo dhisay Maamulka Dekeda Berbera.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu la yimi hanaan hoggaamineed oo wadaniyadii ka muuqato, waxanu sameeyey dedaalo uu ku horumarinaayo Dekeda Berbera, oo hada ah mid ka dhisan Qalab ahaan, shaqo ahaan iyo aqoon ahaanba. Dekeda Berbera waxay maanta leedahay shaqaale xirfadoodu sarayso, qaarkood uu Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi kusoo tabo-baray dalka dibadiisa, sidoo kale waxay leedahay shaqaale lagu tabo-baray gudaha dalka oo weliba dhowr qaybood ah.
Geesta kale, waxa uu Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi dardaar-geliyey, isla markaana geed-dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu u hirgeli lahaa Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera, waxanu ku sameeyey daba-gal iyo sidii kastoo Dekedaasi dalka ugu dhismi lahayd.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu shaqada Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera ku hayaa Kormeer joogto ah, kaasoo todobaadle ah, isla markaana ujeedka ugu weyn ee Maareeyuhuu yahay in dhaxal umada Somaliland u aydo ha u noqoto Dekeda cusubi.
Horumarka iyo himilooyinkaa dhismaha Dekeda cusub ee Berbera waxa qayb-weyn ku lahaa madaxweynaha Somaliland iyo Maareeyihiisa Dekeda oo daacad ka noqday taabo-qaadka mashaaricda lagu horumarinaayo Dekeda Berbera.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu noqday, Maareeyihii koowaad ee ay Mahadisay Dekeda Berbera, waxyaabo Tiro badan oo kale kusoo kordhiyey Dekeda sida nalalka Bada ee habeenkii Iftiima, iyadoo maraakibta hada habeenkii lasoo xidho. Sidoo kalena dekedu shaqayso 24 saacadoodba, nidaamka shaqaalaha iyo shaqada oo Casriya, taasina waxay fudaydisay inuu laban-laabmo ama sadex jibaarmo hananka shaqo ee dekedu u qabato Shacabka iyo ganacsatada dalka. La soco qaybaha dambe.
Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.
Hargeysa/Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured