"Jabuuti Diyaar Uma Ahan Inay Raacdo Waddadii Imaaraadka, Baxreyn Ama Suudaan…" Madaxweyne Geelle.

1
Wednesday December 02, 2020 - 22:07:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Jabuuti Diyaar Uma Ahan Inay Raacdo Waddadii Imaaraadka, Baxreyn Ama Suudaan…" Madaxweyne Geelle.

    "Jabuuti Diyaar Uma Ahan Inay Raacdo Waddadii Imaaraadka, Baxreyn Ama Suudaan…" Madaxweyne Geelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Jabuuti Diyaar Uma Ahan Inay Raacdo Waddadii Imaaraadka, Baxreyn Ama Suudaan…" Madaxweyne Geelle.
Jabuuti(Xogreebnews)- Hoggamiyaha Dhawrka cisho uga hadhsan tahay ee Trump-ka Mareykanka wuxuu sii wadaa baadi goobkiisa aqoonsiga Israa’iil. Suudaan kadib, bartilmaameedka cusub ee Washington waa Jabuuti. Cadaadis ayuu  ku saaray madaxweynaha Jabuuti si uu ula jaanqaado Israa’iil. Laakiin madaxweyne Geelle gabi ahaanba diyaar uma ahan inuu raaco waddadii Imaaraatka Carabta, Baxreyn ama Suudaan.
Sida uu sheegayo Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha Jabuuti, dalkan ku yaalla Bariga Afrika diyaar uma ahaa inuu rasmi ka dhigo xidhiidhka uu la leeyahay Israa’iil. Dhinaca kale, hoggaamiyaha wuxuu ugu baaqayaa Israa’iil inay ′Mowqif cad′ ka qaadato dhanka Falastiiniyiinta.


Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa toddobaadkan ka hadlay hawlgallada sasabashada diblomaasiyadeed ee Israa’iil ee ay ku hawlaneed dhowr bilood. Wareysi uu siyey Horaantii toddobaadkan oo ku begneyd Talaadadii, November 24, 2020 wargeyska The Africa Report, madaxa dowlada wuxuu sheegay in dalkiisa aanu qorsheyneynin inuu xidhiidh la yeesho Israa’iil.
Ku dhawaaqiddan ayaa timid ka dib markii Imaaraadka, Baxreyn iyo Suudaan ay ku dhawaaqeen inay sii rasmi ah ka dhigeen xidhiidhkooda Tel Aviv. Mowjaddan uu Mareykanku taageerayo ee isu soo dhowaanshaha diblomaasiyadeed ee uu dabadda ka riixayo Donald Trump waxaa loo arkay inay tahay khiyaamo lagula kacay Falastiiniyiinta,  Falastiiniyiinta oo xudunta u ahaa xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo dunida Carabta muddo tobanaan sanno ah.

Ismaciil Cumar Geelle wuxuu ku yidhi wareysigiisa ” "Shuruudaha ma bisla” Kuma qanacsani dowladda Israa’iil maxaa yeelay waxay u diidaysaa Falastiiniyiinta xuquuqdooda lama-taabtaanka ah, Waxa kaliya ee aan weydiisaneyno Tel Aviv waa inaan u dhaqaaqdo dhanka nabada waxaana sameyn doonnaa markaa taas bedelkeeda Laakiin waxaan ka baqayaa in ayna waligeed sameyn doonin ".

Wax dhibaato ah kuma qabno Yuhuudda dad ahaan ama Israa’iil ahaan qaran ahaan. Qaar ka mid ah xitaa waxay u yimaadaan Jabuuti arrimo ganacsi iyaga oo wata Baasaboorkooda, muwaadiniinta reer Jabuuti-na waxay awoodeen inay u safraan Israel muddo hadda laga joogo 25 sano, ”ayuu yidhi madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo wareysi siinayay majaladda The Africa Report. Si kastaba ha noqotee, markii wax laga weydiiyay bal in dalkiisu raaci doono wadadii Baxrayn, Suudaan iyo Imaaraatka, isla markaana uu caadi ka dhigi doono xiriirka uu la leeyahay Israa’iil, wuxuu yidhi "ma bislaan shurudaha”.
Israa’iil iyo Washington waxay diiradda saarayaan waddamada iyaga istiraatiijiyad u noqon kara. Marka la eego duruufaha jira iyo meesha istiraatiijiga ah ee ay ku taal Jabuuti, halkan aad bay u jeclaan lahayeen. Sidaas darteedna, surta gal ma ahaa Jabuuti waxay billowday geeddi-socod ay uga go’ayso reer galbeedka, Dhanka kale waxaa xasusid mudan in ay kala irdhowbeen Imaaraadka Carabta. Hadii aan dib idin xasuusiyo, 2018, Jabuuti waxay joojisay qandaraaskii Emiratka ee DP World ay la gashay kaas oo dawladda waxba kama jiraan ka dhigtey.

Runtii, DP Word shirkaddani waxay ka hortagneyd dekedda Doraleh ee Jabuuti in ayna u horumarin sidii la rabay, ayna ka hor-istaagin horumarka dekedda Dubai oo aysan tartanka la galin.

Taas oo ku qasabtey Xukumadda Jabuuti inay albaabadeeda u furto Shiinaha sii ay u horumariyaan dekedda Doraleh, taas oo markii dambe horseeday in shinaha uu saldhig milatari oo muhiim ah dalka Djibouti ka furto.

Intaas waxaa sii dheer, Jabuuti waxay dariis la tahay Yemen, oo ah waddan uu Sacuudiga duulaan dagaal ku qaadey 2015.

Dagaalkan waxaa uu abuuray xogag kala duwaan oo ka dagaalamaya dalkaas, sida Ansarallaah Yemen. Xaaladda ayaa hadda bilcaskis ah Yemen dhexdeeda, waxaana sii xoogaysanaya kooxda Ansarallah. Taas ayaa ku kaliftey in Israa’iil ay ku taageerto Sacuudi Carabiya ololaheeda gardarrada ah ee ka dhanka ah Yemen. Ka sokow, booqashadii qarsoodiga ahayd ee ugu dambeysay ee Ra’iisul Wasaaraha Israel uu ku tagay Riyadh waxay taageeri karaan fikradan.

Jabuuti sidoo kale waxay taageertay Itoobiya. Xukumada Adisababa oo u halgameysa sidii ay uga bixi laheyd dabin ay Washington iyo Israel u dhigeen iyaago oo hubeynaya isla markaana maalgelinaya gooni u goosadka Tiger ujeedkooduna yahay in uu dagaal ka huriyo Geeska Afrika.

Taas oo ka dhigaysa Israel iyo Washington inay isku dayaan inay shabakadooda siyaasadeed ku fidiyaan wadamada Geeska Afrika gaar ahaan Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Cumar Geelle isaaga oo ku hadlaya magaca dadweynaha reer Jabuuti. waxaa ku cad ereyadiisa, Israel waa inay marka hore joojiso siyaasadeeda argagixisada ee ku wajahan Falastiin iyo Bariga Dhexe ka hor inta aysan ka hadlin xidhiidh kasta oo ay la sameyso Djibouti!

Jabuuti, waxay ku taal Geeska Afrika, waa mid ka mid ah waddamada ugu da’da yar adduunka, iyada oo xorriyadda ka qaadatay Faransiiska 1977. Waa dal yar oo dadkiisu ka yar yahay hal milyan, laakiin waxay leedahay muhiimad weyn oo dhanka juqraafi ahaan. Jabuuti waxay marti gelisaa militariga shisheeye. dhanka kale saldhiga kaliya ee joogtada ah ee Mareykanku ku leeyahay dhulka Afrika ayaa ku yaal, Camp Lemmonier, iyo saldhig ay leeyihiin Ciidamada Badda Shiinaha. Maaddaama ay xuduud la leedahay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed bariga, Jabuuti waxay uu tahay marin muhiim ah iyo meel shidaalka laga qaato ahna marinka ganacsiga ee ugu mashquulka badan. Marka la eego khilaafaadka khalkhal gelinaya xasilooni daradda deriskeeda Itoobiya, Soomaaliya iyo Yemen, waxaa sii kordhaya xiisaha loo qabo dalka yar kaas oo ka dhigay wadan meel muhuum ku yaal.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured