Daawo Barnaamij Xasaasiya: Maxaad ka Ogtahay Taarikhda Halyeygii Afduubay Diyaaradii Somali Airline ee Badbaadiyey Ardaydii Siyaad Bare Dilka ku Xukumay...

0
Wednesday November 25, 2020 - 23:57:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Barnaamij Xasaasiya: Maxaad ka Ogtahay Taarikhda Halyeygii Afduubay Diyaaradii Somali Airline ee Badbaadiyey Ardaydii Siyaad Bare Dilka ku Xukumay...

    Daawo Barnaamij Xasaasiya: Maxaad ka Ogtahay Taarikhda Halyeygii Afduubay Diyaaradii Somali Airline ee Badbaadiyey Ardaydii Siyaad Bare Dilka ku Xukumay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo Barnaamij Xasaasiya: Maxaad ka Ogtahay Taarikhda Halyeygii Afduubay Diyaaradii Somali Airline ee Badbaadiyey Ardaydii Siyaad Bare Dilka ku Xukumay...

HARGAYSA(Xogreebnews)-Barnaamij lagaga xog waramayo 36 sano ka Hor 1984 oo ku beegnayn maalintii shalay 24/11/2020 oo kazoo Wareegtay maalintii la afduubay diyaaradii Somali Airline taasi Oo ay afduubeen Cornal Cawil Cadami Burhaani  Iyo laba nin oo kale Si ay Ubadbaadiyaan 7arday Ah oo dhalinyaro ahaa oo Taliskii siyaad bare ku xukumay dil toogasho ah islamarkaana la Doonayay in lagu fuliyo 25/11/1984 oo noqonaysa maalin kadib Afduubka Diyaarada oo badbaado Unoqday.

 

 

Diyaaradan oo ay saarnaayeen 122rakaab ah ayna ku jireen Masuuliyiin ka tirsan dawladii siyaad bare ayaa afduubayaashu Ka dajiyeen madaarka magaalada adis ababa ee dalka itoobiya  Halkaasi oo ay ku dalbadeen in dilka laga joojiyo ardayda iyadoo Dhexdhexaad mudo 72 sacadood qaadatay kadib la aqbalay Dalabkoodii sidaana ardaydii ay kaga badbaadeen dilkii iyaguna Ay Rakaabkii kusii daayeen.

Hadaba 36sano kadib qaarkamid ah ardaydii ay dilka ka Badbaadiyeen xubnihii diyaarada afduubay ayaa ka waramay Dareenkoodii maalintii iyo sidii ay kusoo gaadhay xogta in la Afduubay diyaaradii Somali Airline Si ardaydan loo badbaadiyo Naftooda.

Xubnaha ka kamid ka ahaa 7ardayday ee dilka lagu fulinayay ee ka xog waramaya dhacdadaasi iyo dareenka ay qabeen maalintaasi ayaa waxa kamid ah Muj Cabdi Ismaaciil Aw Maxamuud ,Cabdirasaaq Sheekh Ibraahim Kooshin "Alfa” Iyo Cabdi Daahir Caynaanshe oo isagu kamid ahaa dadkii Aqoonta Dheer u lahaa sedexda Nin ee Diyaarada Afduubay.ayaa isna ka Waramay wixii uu ka xasuusto Dhacdadaasi iyo dareenka ay ku Reebtay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA BARNAAMIJKA KA XOG WARAMAYA DHACDADAASI IYO DAREENKA ARDAYDII DILKA LAGU FULINAYAY;

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured