Wan-qashii Taaga × Wacdarihii Waxqabadka iyo Dabaal-degii Bada ee Waftiga Madaxweynaha...

0
Sunday October 18, 2020 - 17:40:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1336
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wan-qashii Taaga × Wacdarihii Waxqabadka iyo Dabaal-degii Bada ee Waftiga Madaxweynaha...

    Wan-qashii Taaga × Wacdarihii Waxqabadka iyo Dabaal-degii Bada ee Waftiga Madaxweynaha...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wan-qashii Taaga × Wacdarihii Waxqabadka iyo Dabaal-degii Bada ee Waftiga Madaxweynaha...
Berbera(Xogreebnews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wafti Balaadhan oo u Hoggaaminayey, ayaa safar shaqo ku yimi Magaalada Berbera.  Madaxweynaha iyo Waftigiisu waxay kormeer ku tagay marsada caalamiga ah ee Berbera oo ay ka socota horumar iyo casriyeyn si xawli ah u socoto. Waftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi waxa gudaha Dekeda Berbera kusoo dhoweeyey Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, waxanu halkaa Madaxweynuhuu xadhiga kaga jaray Taagii labaad ee Casriya oo ay dekedu soo Iibsato iyo Doontii Baylood boutka ee iyana dhowaan Dekeda soo Iibsatay.
Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa Madaxweynaha JSL iyo Waftigiisa uga warbixiyey horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsatay sadaxdii sanadood ee u dambeeyey Dekeda Berbera. Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyey sida Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu huray hiil iyo hooba sidii ay marsada dalka ee Berbera u horumari lahayd. Maareeyaha oo arimaha si kooban uga Hadlay waxa uu yidhi.
"Maanta Madaxweyne waxa sharaf weyn noo ah, inaad nagu soo booqataan Dekedii weynee ee Berbera, oo aanu Qalab cusub kusoo kordhinay. Mudane Madaxweyne kani waa Taagii labaad ee intii aad xilka haysay inoo yimi. Madaxweyne aadbaan kaaga mahadcelinaya tacabka badan ee aad u hurtay in Dekeddu dhisanto maadaama oo ay tahay laf-dhabartii dalka. 
In badan ayaa lagu celceliyey Madaxweynuhuu waxbuu han-daraabay, waxaan Maanta halkan ka cadaynayaa in hantidii Qaranka  ee la ururiyey inay tahay ta Halkan gashay. Qalabka Halkan ka muuqda, ee kala ah, labada Taag ee casriga ah iyo doonta kalee Baylood boutka, waxa uu qiimahoodu ka  badan yahay 11000-Milyan oo dollar.
Sidoo kale, mudane Madaxweyne waxanu tayeyn iyo dib u dhis Balaadhan ku samaynay shaqaalihii Dekeda Berbera, oo aanu aqoon ahaan la dhisay.
Mudane Madaxweyne waxaad Kormeer kusoo Mari-doontaa Dekeda cusub ee Berbera, qaybta Bada iyo Bariga". Ayuu yidhi Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured